|
Su'aalaha dadku inta badan isweydiiyaan iyo jawaabahooda ka akhri halkaan.
|
|
|
GEERIDA CABDIKARIM WAA FURIN BANAANAATAY
|
|
Innaa Lilaah Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan aad uga murugooney dilkii naxdinta lahaa ee loo geystey Allaha u naxariistee Sh Cabdikarim Sh. Ibrahim, Guddoomiyihii Guddiga Taakulaynta Agoonta Soomaaliyeed, Muqdisho, Galabtii Arbacada. Ilaahay waxaan uga baryeynaa Cabdikariim inuu dembigiisa dhaafo, jannadiina ka waraabiyo. Waxaan Tacsi u direynaa eheladii, xaasaskii iyo ubadkii uu ka tegey, Cabdikarim, waxaanan leenahay samir iyo iimaan Allaha ka siiyo, Isagana janaatul firdows Allaha geeyo.
|
|
Sii akhri qoraalkan... |
04/07/2008
|
|
|
Abaarihii Soomaliya & Wax kaqabadka Kafaalo
|
Sida aan warbaahinada ku wada maqalnay waxaa sanadkaan qaybtiisi hore kadhacay Soomaliya abaaro ba’an oo gaystay dhimasho dad iyo duunyaba leh. Sidaa awgeed waxay Hay’adda Kafaalo ku dadaashay sidii ay gacan lixaad leh uga gaysan lahayd arimahaas, iyadoo isla mar ahaantaana aysan jirin miizaaniyad u gaara oo ay Kafaalo arimahaas meel udhigtay, ayay hadana Kafaalo garaacday albaabo badan, si ugu yaraan dadkaas Soomaliyeed ee dhibaataysan wax uun kaalma ah loo gaarsiiyo.
|
|
Sii akhri qoraalkan... |
17/06/2008
|
|
|
Shukran Kampala --- Kafaalo oo booqasho ku gaadhay
|
Wexey Hay’adda Kafaalo Booqasho gaaban ku gaadhey Wadanka Uganda Caasimadiisa Kampala, iyadoo marti u ahayd Markaska Islaamka ee Tawxiid, ee Soomaalidu maamusho Imaamna uu ka yahay Sh. Cabdi weli Cabdullaahi Aamin. Markaska oo ku yaal Xaafadda Kisseenya ee Soomaalidu deggantahay.
|
|
Sii akhri qoraalkan... |
04/06/2008
|
|
|
Warbixin & Sawiro Mashruuca Indho-fiiqidda
|
Halkaan waxan ugu soo gudbinaynaa khayrfalaasha Hay’adda Kafaalo iyo dhamaan dadka kalaba sawiro muujinaya waxqabadka Mashruuca Indho-fiiqidda ee ka hirgalay Marka iyo Baydhaba bilihii April – May 2008. Mashruucan waxaa ka faa’iidaystay 600 oo qof, si aad u daawato sawiradiisa sii akhri qoraalkaan.
|
|
Sii akhri qoraalkan... |
04/06/2008
|
|
|
Jadwalka Mashurca Indhof-fiiqidda ee 2008 kaqayb qaado
|
|
Bisha April bilowgeeda waxay hay’adaha Al-Manhal iyo Kafaalo fulin doonaan mashruuc kamida mashaariicdooda khayriga ah. Kaasoo ah inay u indho-jeexaan dhawr boqol oo qof oo Soomaliyeed.
|
|
Sii akhri qoraalkan... |
14/04/2008
|
|
|
Mu'tamar kadhacay magaalada Tilburg [Holland]
|
|
Dhammaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Holland waxaa lagu wargelinayaa in 7/8/9 maarso 2008 uu ka dhici doono magaalada Tilburg Mutamar diini ah.
|
|
Sii akhri qoraalkan... |
27/02/2008
|
|
|
Mu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday
|
Hay’adaha Al-manhal iyo Kafaalo waxay maalintii axadda ahayd 13.01.2008 kusoo gabagabayeen magaalada Stockholm mu’tamar caalami ah oo magaciisu ahaa “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”, wuxuuna kadhacay labo weekend oo isku xiga Oslo –Norway iyo Stockholm-Sweden. Taasoo ah mid Rabbi loogu mahad celiyo mar walba.
|
|
Sii akhri qoraalkan... |
15/01/2008
|
|
|
Guji sawirka hoose
|
Guji sawirka hoose
|
Daawo filmka Kafaalo
|
Sawiradii Mu'tamarada
|
Acountiyada Kafaalo ee sadaqaadka
lagu soo shubi karo Norway:
Agoon: 0539 4647804
Masharic: 0539 4647839
Indho-fiiqid: 0539 5449011
Ribo/Sadaqo guud: 0539 4790488
Acountiyada Kafaalo ee sadaqaadka
lagu soo shubi karo Sweden:
Agoon: 8327-9,904 132 956-7
Masharic: 8327-9,904 132 957-5
Indhofiiqid: 8327-9,904 132 959-1
Ribo/Sadaqo guud: 8327-9,904 132 956-9
|
|
|